Jump to content

Injir

Ka Wikipedia

Injir (Af Carabi : ar‎, Af Ingiriis : Louse) waa nooc ka mida cayayaanka ku dul nool noole kale, oon kaligeed taagnaan karin, sida quburuhu cadeeyeen waxa ee gashaa oo ee jeceshahay timaha nadiifka ah.

waa been in ee jeceshahay timaha wasaqda ah.

Injirtu waa madow casuus xigeen ah aad u yar dhirirkeedu gaaro 2.5 milimitir Injirta ayaa ku nool madaxa qofka ay ku jirto, ama timaha hoose iyo kilkilaha, waxay quudataa dhiiga qofkaas, midabkeeda ayaa cad marka ay yartahay, markay waynaato ayay isu badashaa kafee ama madow, waxay ledahay miciyo iyo lugo ay ku qabsato timaha, iyadoo ka badbaada badanaa shanlada timaha lagu feedhayo.

Astaamaha lagu garto  injirta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Dareen in walax ay ku dhex soconayso timaha dhexdooda.
  • Xoqida badan oo keenta in dhaawac uu maqaarka gaaro.
  • finan yaryar oo kasoo yaaca maqaarka timaha hoostooda ilaa qoorta kaasoo ah xasaasiyad uu ka qaaday dhareerka injirta.